Beesha Caalamka oo maanta si kulal ula hadli doonta Madaxda Soomaalida

Reading Time: < 1 minute

Shirkii Golaha Watashiga Qaran  ayaa maanta  waxaa ku biiryay qaar kamida xubnaha Beesha Caalamka ee xaruntoodu tahay Xalane. Kulanka ayaa lagu sheegay inuu yahay mid Beesha Caalamku ay dooneyso inay si adag ula hadasho Madaxda Soomaalida.

Qodobada laga hadlayo ayaa waxa kamida turxaan bixinta doorashada, musaqa iyo khilaafka ku gadaaman geedisocodka doorashada. Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ka hadli doonta maalgalinta doorashada.

Waxaa xaqiiqdii nasiib xumo ah in madaxdii Soomaalida maanta loola hadli sidii caruurta iyada oo lagu waanin doono inay u naxaan una turaan dadkooda iyo dalkooda.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!