Beesha Caalamka oo kulan Gaara ugu yeeray Golaha Wadatashiga inta aan la shaacin

Reading Time: < 1 minute

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran iyo Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhamaaday, iyadoo xubnaha Golaha ay xilligan kulan la leeyihiin Wakiilada Beesha Caalamka inta aan la shaacin War-muriteedka shirka.

Heshiiska laga gaaray arrimaha Doorashooyinka ayaa wxaaan ka mid ahayn Arrinta Amniga, kaalinta odayaashii rasmiga ahaa ee 135-ta iyo Dib ugu laabashada kuraastii lagu muransanaa oo loo dhaafay Guddiyada Doorashada, waxaase ay isla qaateen inta badan qodobadii ay soo jeediyeen Midowga Musharixiinta.

Xubnaha Golaha Wadatashiga ayaa Wakiilada Beesha Caalanka u sharxaya heshiiska ay gaareen ee dardar gelinta Doorashada iyo xalinta cabashada Doorashada Golaha Shacabka.

War-murtiyeedka shirka ayaa lagu wadaa in la soo saaro saacadaha soo socda, iyadoo madaxda maamul Goboleedyada ay safarro dibadda ha u socdaalkii doonaan heshiiska kadib.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!