Beesha Caalamka oo ku wajahan magaalada Kismaanyo! Maxaa laga filan karaa?

Reading Time: < 1 minute

Wafdi ka socda beesha caalamka oo isugu jira dublamaasiyiin iyo madaxda AU ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay safar ku tagaan magaalada Kismaanyo halkaas oo ay kula kulmi doonaan madaxda Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Safarkaan ayaa la xiriira u kuurgalida qaabka ay u socdaan qaban qaabada doorashada Jubbaland. Beesha Caalamka ayaa horay u sheegtay in ay taageersan yihiin qaabka ay ku socoto doorashada Jubbaland, waxa ayna horay ula kulmeen gudiga madaxa banaan ee doorashada ee Jubbaland.

Qaar ka mida wadamada taageera Soomaaliya aya waxa ay qarash ku bixinayaan geedi socodka doorashada Jubbaland. Waxaana ay kaalin ka gaysteen  tababarada la siiyaya gudiga doorashada, odoyaasha dahqanka iyo dhaqaalaha ku baxaya sugida Amniga ee doorashada Jubbaland.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan oo dhowr asbuuc ka hor shir jraa’id la qabtay MW Axmad Madoobe  ayaa ku amaanay Madaxweyne Axmad Madoobe iyo maamulkiisa sida wanagasan oo ay u wadaan qaban-qaabada doorashada Jubbaland.

Inta ay beesha caalamka ku sugan tahay Kismaanyo waxa ay la kulmi doonaan musharaxiinta isdiiwan galisay ee sida rasmiga ugu jiraan doorashada. Dhanka kale waxa laga yaabaa in laga codsado Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka in ay wax ka badalaan qaabka odoyaasha u soo xulayaan xubnaha baarlamankam gaara ahaan in wax laga badalo qoshaha sadax qof ee odoyaasha soo bandhigi doonaan.

Beesha Caalamka ayaa horay u balan qaaday in ay goobjoog ka ahaan doonaan doorashada Jubbaland oo lagu wado in ay dhacdo dabayaqaada bisha Agosto.