Beesha caalamka oo ku gacan seertay codsigii MW Waare, kuna baaqday in dhamaan DG lala wada heshiiyo

Reading Time: < 1 minute

Madaxdweyne Maxamed Cabdi Waare oo isticmaalayo Urur Goboleedka IGAD oo uu horay ugu shaqeeyn jiray ayaa waxaa uu maalmahan danbe da’daal ugu jiray in beesha caalamka soo saarto qoraal ay ku taageerayso go’aankiisa uu kaga soo gostay,  kuna qiyaanay Ururka Doowlad Goboleedyadda (DG). MW Waare waxa uu kulamo la qaatay shaqaale hoose oo ka socda Ururka Midowga Yurub, Maraykana iyo Ingriiska oo dhamaantoodna u sheegeen in ay soo dhawaynayaan in uu wada-hadal lala furo Dowladda Dhexe laakiin wadahal isaga kali ah ayan waxba ka badalaynin xaalada ka jirta. Waare waxaa lagu yiri “ ku noqo Madaxda Dowlad Goboleedyadda oo ku soo qanci in ay Dowladda Dhexe la hadlaan”.

MW Waare ayaa waxa uu markii hore uu ku fakarayay in si gooni ah isaga loo qaabilo loona soo dhaweeyo maadamaana uu qiyaanay saaxibadiisa. Waxaase hadda loo xaqiijiyay in isaga kaliya uusan waxba ka badali karin xaalada jirtaa. Su’aasha u baahan in la isweydiiyo ayaa ah, Madaxda Dowlad Goboleedyadda kale ma u ogolaanayaan in MW Waare dib ugu soo noqodo Ururka Ikaashiga Dowlad Goboleedyadda?