Beesha Caalamka oo ku adkeeysanaysa in Garbahaareey lagu qabto doorashada

Reading Time: 2 minutes

Qoraal ka soo baxay beesha caalamka caawa ayaa sadax fartiimood oo muhim ah lagu soo gudbiyay:

1) In aan waxba laga baadli karin heshiiskii 17 September kaas oo qeexayay in doorashada lagu qabto labadii magaalo ee loo asteeyay in ay doorashada ka dhacdo.

2) In aan marnaba la aqbali karin in ay doorashada dhacdo iyada oo ay ka maqan yihiin deegaano muhim u ah in si wadajir ah oo lawada ogol yahay aqbalo natiijada doorasada, taas oo macnaheedu tahay hadii xataa uu jiro Kooram wax lagu dooran karo in ay muhim tahay in la sugo dorashada shacabka reer Gedo, iyo 3) in doorashada ku dhacdo waqtigii loo aseeeyay taas oo ay ugu horeeyso dhaarinta Xildhibanaada bisha Abrill 14keeda.

Halkaan  ka aqriso qormada ka soo baxday beesha caalamka.

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxaa dhiirigelin u ah in tiro ka badan 91 boqolkiiba kuraasta Golaha Shacabka hadda la doortay. Waxaan aaminsannahay in tani ay ka dhigan tahay dardar aan la joojin karin si loo dhamaystiro kuraasta harsan si dhakhso leh.

Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Dowlad Goboleedka Jubaland oo kaliya ayaan weli soo dhameystirin geedi-socodka doorashada Golaha Shacabka. Waxaan ku boorinaynaa inay sidaas sameeyaan iyadoo aan jirin dib-u-dhac, isla markaana mudnaanta siiyaan wadahadalka iyo wadatashiga lagama maarmaanka u ah soo gabagabeeynta qabanqaabada doorashada – ee gaar ahaan u socdo Jubaland – si loo hubiyo in beelaha ay khusayso ay matalaad ku yeeshaan Baarlamaanka soo socda

Waxaan ku bogaadinaynaa dhammaan Guddiyada Hirgelinta Doorashada Heer Dowlad Goboleedyo (SEITs) sida ay dukumeentiyada ugusoo gudbiyeen Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal (FEIT) iyadoo loo madlanyahay dhaarinta xubnaha cusub ee lasoo doortay, oo ay dhaarin-doonaan hay’adaha awoodda u leh marka la gaaro 14ka Abriil. Waxaan ku boorinaynaa in horay loogu socodo u-diyaar garowga dhaarinta 14-ka Abriil xitaa iyadoo ay socoto howsha xalinta arrimaha kale ee taagan iyo dhameystirka kuraasta ka harsan Hirshabelle iyo Jubaland.

Iyadoo hadda diiradda la saarayo kulanka baarlamaanka in uu ka qabsoomo Muqdisho – lana doorto guddoomiyeyaasha baarlamaanka iyo madaxweynaha qaranka – waxaan ugu baaqaynaa madaxda siyaasadda Soomaaliya inay xaqiijiyaan in geeddi-socodkani uu ku qotomo wadar-oggol ballaaran. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay go’aannada ku saabsan goobta, hab-maamuuska amniga, iyo tallaabooyinka ka hortagga musuqmaasuqa ee shirarka baarlamaanka ee la xiriira doorashada. Waxaa muhiim ah in qabanqaabada marxaladdan ugu danbeysa ee geeddi-socodka doorashada ay taageero xoogan ka hesho dhinacyada siyaasadda ayna ka dhalato natiijo ay dhamaan aqbalsanyihiin inay tahay sharci. Madaxda Soomaaliyeed waxay markaas kadib wax ka qaban karaan arrimaha kale ee mudnaanta u leh qaranka, sida ka jawaabidda abaaraha ba’an iyo dhismaha amniga iyo barwaaqo-ku-dabbaalidda Soomaaliya sanadaha soo socda.

Waxaan aad uga xunnahay qaladaadkii doorashada ee faraha badnaa ee lagu arkay guud ahaan dalka iyo fashilka niyad-jabka leh ee ku yimid xaqiijinta qoondada 30% ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka sida uu qabo heshiiskii 17kii Sebtember 2020. Waxaan rajeynaynaa in aan aragno haween badan oo la soo doorto maadaama kuraasta harsan ee Hirshabelle iyo Jubaland la soo gabagabeynayo. Doorashada kadib, dadka Soomaaliyeed waa inay laba-laabaan dadaallada lagu xaqiijinayo in haweenku ay si buuxda uga qaybgalaan oo ay door hoggaamineed uga qaataan go’aan-gaarista qaran ee dhammaan qaybaha bulshada.

Saaxiibada caalamku waxay hambalyo diiran u dirayaan dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay u bilatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan. Waxaan u rajaynaynaa madaxda Soomaaliyeed ku-hagaagidda mabaadi’da Ramadaan ee ee dib-u-milicsiga, samafalka, midnimada iyo wadajirka ee xilligan xasaasiga u ah qaranka.

*Howlgalka Kala Guurka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay