Beesha Caalamka ayaa waxaa ay si weyn u diidday muddo kororsiga ay dhawaan sameeyeen labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland.
War- saxaadafeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsanyihiin muddo kororsiga Guurtida, iyo Wakiillada iyo qabasho la’aanta doorashooyinka golaha degaanka.
Beesha Caalamka ayaa sheegtay in sida kaliya ee ay Beesha Caalamka iyo Somaliland ku sii wada shaqeyn karaan ay tahay in doorashada Guurtida iyo Golaha wakiillada lagu qabto muddadii lagu ballamay ee ku beegan sanadkan 2020ka.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen in uusan jirin dal dimuqraadi ah oo Golahiisa wakiillada iyo Guurtida ay muddo intaas la eg doorasho la’aan fadhiyaan kuraasta.
Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in la dhiso Guddi doorasho oo qabta doorashada Somaliland kaas oo ay qeyb ka yihiin dhamaan jilayaasha siyaasadeed ee Somaliland.
Warka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa walaac looga muujiyay awoodaha xad-dhaafka ah ee ay adeegsanayaan hay’adaha maamulka iyo xarigga dadka mucaaridka ah.
Waxaa ay Beesha Caalamka soo dhaweysay wadahadalka dhinacyada qaar ku doonayaan in xasilloonida Somaliland aan la wiiqin.