Iyada oo ay ka soo wareegatay mudo afar cesho ilaa iyo markii la saxiixay heshiiskii u dhaxeeyay Dowlad Goboleeyada iyo Dowlada Fedaraalka ee la xiriiray doorashada ayaa ilaa iyo hada ay beesha caalamka ka aamusan tahay. Sida caadada ahayd ee looga baraty beesha caalamka, marka ay soo gabo’gaboobaan shirarka noocaan ah si deg deg ah ayaa ay u soo saari jireen baaq ay ku taageerayaan heshiiska ka soo baxo shirarka.
Iyada oo ayan wali cadeeynin sbabaha rasmiga ay ugu gabasadeen taageerida shirka ayaa hadana waxa muuqada in beesha caalamka ay sugayso in baarlamaanka Soomaaliya in uu axsaxiyo heshiiskaas taas oo uu horay u balanqaaday MW Farmaajo. Waxaa kaloo jira aragti ah in beesha caalamka in ay ku tijaabinayaan MW Farmaajo in uu taaba-galiyo heshiiskii lagula heshiiyay, hadii uu ka gaabiyana ay beesha caalamka ka qaadan doonto go’aan isaga talaabo cad looga qaadi doono.
Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ayaga hada ku sugan magalaada Muqadisho ayaa dhankooda culays ku saaray xildhibaanada laga soo doorto deeeganadooda in ay tageeraan heshiiskaas.