Beesha Caalamka oo ka gaabsatay in ay aqoonsato Wasiirka Amniga Rooble soo magacaabay

Reading Time: < 1 minute

Qoraal maanta ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in beesha caalamka ay walwal ka qabto horumar la’aanta dhex-dhexaadinta labadii asbuuc ee la soo dhaafay laga dhex waday Farmaajo iyo Rooble.

Qoraalka ayaa lagu xusay in aan wali xal laga gaarin labada arin ee la isku haystay ee ah magacaabista Wasiirka Amniga iyo magacaabista taliyaha hay’adda Nabad Sugida.

Hadlakaan ayaa muujinaya in ayan beesha caalamka  si buuxda u aqoonsanaynin Wasiirka Amniga iyo talaabooyinka uu qaaday Ra’iisal Wasaare Rooble.

Halkaan ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

“Saaxiibada caalamku waxay ku boorrinayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay sida ugu dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada ee 17-kii Sebteember 2020 iyo 27-kii Maajo 2021 iyo inay hubiyaan in hay’adaha amniga ee muhiimka ah (WAG iyo NISA) ay madax u yihiin hoggaamiyeyaal awood u leh oo la qadariyo, gaar ahaan xilliga doorashada.”

Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Egypt, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Netherland, Norway, Qadar, Saudi Arabia, Sudan, Iswiidhan, Swisarlandh, Turkey, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, Qaramada Midoobay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!