Reading Time: < 1 minute

Labo maalin ka dib markii uu Xasan Kheyre magacaabay gudiga uu ugu magac daray Gudiga Dib u heshiisiinta Galmudug ayaa waxa uu qoraal codsi u diray Hay’adaha kaaalmaeeya dowlada Fedaraalka Soomaaliya. Kheyre ayaa codsigiisa ku waydiistay in beesha caalamka dhaqaale ku bixiso howlaha dib u heshiisiinta ee uu dhawaan ku dhawaaqay.

Xasan Kheyre ayaa si gaar ah waxa uu u codsaday in lacagta ku jirta sanduuqa lagu magaaco “Peacebuilding Tust Fund” laga caawiyo howlaha nabadeeynta Galmudug. Dhanka kale waxa uu dhaqaale lagu wado howlaha dib-u heshiinta waydiistay Midowga Yurub.

Haya’adaha kor ku xusan oo ka baqaya fashilka ka dhalan kara dib-u-heshiisiin been abuur ah ee uu wado Kheyre ayaa dhamaan si farsamaysan uga gaabsaday in ay maalgaliyaan dib-u-heshiista uu ku dhawaaqay Xasan Kheyre.

Mid ka mida shaqalaha u shaqeyeeya ha’yadaha dhaqaalaha la waydiisaya ayaa u sheegay MOL in codsiga dowlada si farsamaysay loo diiday.  Waxa uu yiri “waxaan u sheegnay in uu qoraal ama “proposal” soo qoro oo uu ku sheegayo waxa uu doonayo in laga caawiyo, qaabka loo ansaxiyo Proposalka noocaas ah  ayaa ah mid qaadanayso mudo bilo.. taas oo macnaheedu yahay maya”. 

Dhanka kale Midow Yurub ayaa u sheegay Kheyre  in ay la hadlayaan hay’ado maxali ah oo ay horay Midowga Yurub uu dhaqaale u siisayay kuwaas oo laga codsanayo in ay dowlada ka caawiyaan dib u heshiisiinta, taas oo macnaheedu yahay in waqti laga lumiyo Xasan Kheyre.

Fashilka Xasan Kheyre ayaa qof kastaa waxa uu ka baqayaa in dhibaato ka soo garto taas ayaan keentay in beeesha caalamka ka biyo diido qorshahiisa.