Qaar ma ka mida beesha caalamka oo kulan deg deg ah ku yeeshay Xarunta Xalane ayaa waxa ay ka wada hadleen mudaharaadka lagu wado in uu berito ka dhaco Magaalada Muqadisho.
Dowlada Farmaajo ayaa looga digay in ay dhibaateeyso dadka ka qaybgalaya banaanbax ee sida nabad ah loo soo abaabulay. Waxaa sidoo kale fariin loo faray Wasiirka Aminga kaas oo lagu adkeeyay in ciidanka dowlada ay ka taxadaran qaabka ay ula dhaqmayaan shacabka doonaya in ay muujiyaan shacuurtooda. Dowlada ayaa ku dooday in ayan jirin cid ay kala hadlaan abaabulka mudaharaadka taas oo ay sheegeen in ay keentay culeys la xiriira qaabka uu u dhacaya mudaharaadka.
Gudoomiye Yarisiow ayaa maanta waxa uu soo bandhigay waxa uu ku tilmaamay ciidanka difaaca madaniga. Ciidaankaas ayaa ah ciidan uu si gooni ah u leeyahay shirkad gaar loo leeyahaya kamana tirsana ciidanka Dowlada. Lama oga doorka ciidankaas ay shirkad leedahay uu ka qaadan karo ka hortaga muduharaadka.
Dhanka kale AMISOM ayaa ka sheegtay shirkii maanta in aya sameeyn doonaan dhiifonaan iyo foojignaan dheraad ah, laakiin waxa ay cadeeysay in ayan marnaba qayb ka noqonaynin in dad shacab ah oo mudaharaadayo la dhibaateeyo. AMISOM ayaa sheegatay in ay ku ekaan doonaan 8da qaybood ee ay ka joogaa magaalada Muqadishu. Dhanka kale shaqaalaha ka shaqeeya xarunta Xalane ayaa berito la fasax mudaharaadka la filayo in uu Muqdisho dhaco awgeed.
Waxaa maalmihii u danbyeeyay qoraalo kala duwan u diray beesha caalamka qaar ka mida xisbiyada ka jira dalka, urururada Bulshada Rayidka iyo Soomaalida Qurba joogta kuwaas oo dhamaantood ku adkeeyay beesha caalamka in ay la ilaaliyo xuquuqda qofka Soomaliya.
Hadalka ka soo yeeray beesha caalamka ayaa waxa uu wadada u furayaa in mustaqbalka la maxkamadeyn doono cidii kaaalin ka qaadata xasuuqa dad shacab ah oo si nabad ah u mudaharaadaya.