Iyada oo dhawaan lagu qabtay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo doorashooyin is khilaafsan taas oo lagu soo doortay xildhibaano 32 ka kooban, ayaa waxa aan wali ka hadlin arintaas beesha Caalamka.
Beesha Caalamka oo uu u horeeyo Mareykanka ayaa horay ugu adkeeystay inay aqbali doonin doorasho ka baxsan heshiiska Sabtembar 17keeda, taas oo macnaheedu ahaa in uusan aqabli doonin doorasho ka baxsan magaalada Garbahaareey ama laba doorasho oo isbarbar socda.
Dhanka kale, Axmad Madoobe oo kaalmo ka dhiganayo Maxamed Rooble ayaa ku doodaya in ayan macquul ahaynin in doorasho ka dhacdo Garbahaareey arimo amni awgeed sidaas darteedna loo badalo Ceelwaaq.
Hadaba beesh Caalamka ayaan wali sheegin labada doorasho ee la soo qabtay tan ay aqoonsan doonaan. Waxaana muuqata inay sugayaan cida ku adkaata ama u muuqato inay meelmarsan karto doorashadeeda.
“wali waan ku wareersanahaa waxa ka dhacay Gobolka Gedo, waxaana socda kulamo aan arimahaa uga arinsanayno”, Sidaas waxa yiri mid kamida diblomaasiyiinta beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya.
Waxaa jira dhaqaalo kala duwan oo la siiyay gudiyada doorashooyinka heer federal ee fududeeyay doorashooyinka lagu qabtay labada magalaado, Kooxda hogaaminaysay doorashada Ceelwaaq, waxaa mid kastaa oo kamid gudiga , oo uu kuj iro gudoomiyaha gudiga doorashooyinka heer Federal, midkiiba $15,000 halka kuwa fududeeyay tan Garbahaareey oo uu hogaaminaayay Gudoomiye ku xigeenka ayagana la siiyay midkiiba $20,000.