Beesha Caalamka oo go’aansatay in ay taageeradii Baarlamaanka FS u weeciso Dowlad Goboleedyada! Maxaa is badalay? (Xog)

Waxaa labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday Magaalada Nairobo iyo Xarunta Xalane  ee Magaalada Muqadisho shirar isdaba jooga ah oo looga arinsanayay xaalada siyaasadeed iyo mid amni ee Soomaaliya. Shirarkaan oo ay si wada jir ah uga qayb galayeen Safaaradaha Caalamka u fadhiya Soomaliya iyo Ururuda sida tooska ah u caawiya dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu daba socday kulamo horay loola yeeshay madaxda Dowlada Fedaraalka kaas oo balamo ay ku wada saxiixdeen labada dhinac.

Nasiib xumo balamiihi ay dowlada Fedaraalka horay u qaatay ayaan dhamaantood waxba ka fulin, gaar ahaan arimaha quseeyo Doorshada 2020 iyo adkeynta hay’adaha Fedaraalka si dalka la isugu hayo.

Iyada oo taas laga anbaqaadayo ayaa waxa u cadaatay Beesha caalamka in Golihii Sharci Dajinta dalka uu ku yimid burbur ku talagal ah. Midowga Yurub oo ka mid ah hay’addaha dhaqaalaha badan ku bixiyay dhismaha iyo tayeynta  Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa u cadaatay  in  Baalamaanka Soomaaliya burbur ku yimid. Taas oo macanaheedu yahay in aan baarlamaanka Soomaaliya laga sugaynin  in uu qayb ka noqdo go’aanada iyo qaabka Soomaaliya loo gaarsiin lahaa doorasho buuxda ama mid dadban.

Kulamada arimahaas looga arinsanayay ayaana waxaa la isla gartay in sida kaliya ee Soomaaliya loo badbaadin karaa ay tahay in si buuxda loo taakuleeyo Dowlad Goboleedyada kuwooda ay u dhan yihiin qaab-doowladeedka.

 

Ujeedada ka danbeeysa siyaasadan cusub ayaa  ah in la taageero awooda kaliya ee la xisaabtami karta Dowlada Dhaxe, taas oo ah Dowlad Goboleedyadda, gaar ahaan kuwoooda ka madax baanan Hogaanka Dowlada Dhexe.

Mid ka mida safiirada oo arintaan ka hadlay ayaa yiri “.. Waa nasiib xumo ah in ay meesha ay ka baxday hay’addii la xisaabtanka oo ay ku milantay hogaanka dalka” . Waxa uu intaas ku daray “waxaanu kala garan la’nahay xukuumada iyo baarlamaanka, Golahii Wasiiraddu oo dhan xildhibaano ayaa laga dhigay oo waxa ay difaacayaan xukumada ay ka tirsan yihiin, inta hartayna uma muuqdaan in yihiin kuwa doonaya in ay la xisaabtamaan Xukuumada”.

Beesha Caalamka oo lacag ka badan $2 Bilyan ku bixisa sanadkii Soomaaliya ayaa waxa ay ka cabsi qabtaa in Soomaaliya faraha baxdo isla markaana la waayo hay’addo go’aan ka gaari kara qaabka doorashada ee 2020/21 si dalka looga saaro xaladda ka sii dareyso ee uu hadda ku jiro.

Hogaan la’aanta ka jirta Baarlamaanka iyo Baalamamaankii oo gabay shaqada loo igmaday ayaa keenay in howlii Baarlamaanku u xilsaarnaa loo weeciyo Dowlad Goboleedyada si ay go’aan uga gaaraan xaalada arimaha cakiran ee horyaala Shacabka Soomaaliya.

Dabayaqada A=asbucuaan waxaa magaalada Nairobi lagula balamay qaar ka mida Madaxda Dowlad Goboleedyadda si looga arinsado qaabkii ay DG  u hanan lahaayeen howlada Soomaaliya horyaala oo u baahan in la dardar galiyo.

Beesha Caalamka waxa ay  go’aansatay in taageeradii ay siin jirtay Barlamaanka Fedaraalka Soomaaliya  loo weeciyo Dowlad Goboleedyadda. Dabayaqada bishaan ayaa la filayaa in Baarlamaanka Yurub  (oo doorasho galayo bisha May) uu soo saaro qoraal lagu dhaleeceynayo ficilada dowlada Soomaaliya isla markaan eed dusha kaga tuurto Baarlamaanka Soomaaliya.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa go’aansaday in la xiro Baarlamaanka 10 bishi Maay ee soo socota iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo bisha Ramadaan, waxaana uu xirnaan doonaa ilaa dabayaqada bisha Agoosto ee sanadkaan.

Advertisements
Xayeeysiin