Beesha caalamka oo go’aan ka qaadatay Madaxweyne Farmaajo iyo talada oo ku cad (Xog)

Reading Time: 3 minutes

Iyadoo ay bilaabeen in aay sheegaan warbaahinta sirdoonka reer galbeedka in hay’adda sirdoonka Soomaaliya NISA ay gebi ahaanba la wareegeen shaqsiyaad xiriir hoose la leh kooxda Al Shabaab ayaa waxaa bilowday walaac ay ka muujinayaan qaar ka mid ah wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya in dalka uu galayo xaalad mugdi ah. (Halkan ka akhriso warbixinta)

Shirar isdaba joog ah oo aay ku yeelanayaan magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka oo ay hoggaanka u hayaan Mareykanka iyo Ingiriiska aya waxaa looga arrinsanaya wixii laga yeeli lahaa maamulka Madaxweyne Farmaajo, iyadoo wadamada qaar ay u ololeynayaan in gebi ahaanba la taageero sidii xilka looga qaadi lahaa Madaxweyne Farmaajo si loo badbaadiyo dalka, isla markaana aanay kooxda Al Shabaab aanay ugu sii baahin amniga dalka.

Fahad Yasin ayaa ku guuleystay in uu gebi ahaanba kala diro ciidankii la dagaalanka argagixisada kuwaaso ahaa ciidanka kaliya oo ay ka gaban jireen kooxda Al Shabaab. Kala diridda ciidanka NISA ayaa keentay in uu aad u kordhay tacadiyada dilka ay kooxda Al Shabaab ka fuliyaan magaalada Muqdisho iyagoo beegsanaya ciidanka iyo shaqaalaha dowladda. Waxaa markii ugu horreeysay lagu dhawaacay xildhibaan ka tirsan BJFS kaasoo lagu tuhunsan yahay in uu wax ka ogaa agaasime xigeenka NISA miinada loogu xiray gaariga.

Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay Fahad Yaasiin in uu si sharci darro ah ku qaatay dhalashada dalkeeda isla markaana uu qaatay baasabooro kala magac ah oo aanay is lahayn macluumaadka baasaboorada. Waxaa lagu wadaa in dhawaan la horgeyn doono dacwadaha loo haysto maxkamadaha dalka Kenya isagoo lagu eedeynaayo in uu si sharci darro ah ku qaatay dhalashada dalka Kenya, iyo in uu xiriir la leeyahay kooxda Al Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa aad uga walaacsan kaddib markii kooxda Shabaab lagu wargeliyay howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen ciidanka Mareykanka iyo ciidanka Gaashaan ee NISA, kooxda Shabaab oo sugeysay horeyna loogu sheegay in loo soo sodca ayaa halkaa waxaa ay ugu geysteen ciidanka NISA xasuuq iyagoo dilay tiro aan la shaacin isla markaana ay ka qaateen agabkii iyo hubkii casriga ahaa ee ciidanka Gaashan 

Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ay wadaan qaar ka mid ah xildhibaanada labada gole oo diyaarinaya mooshinkii xil ka qaadista ee Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo oo ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee helo taageero shacab ayaa ku guul dareystay in uu xajisto taageerada, waxaana maanta uu marayaa heerkii ugu hooseeyay Madaxweyne soo mara Soomaaliya. Farmaajo ayaa la soo baxay ficiladii lagu yiqiin kaligii taliskii Maxamed Siyaad Barre