Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood, waxayna walaac xooggan ka muujiyeen “wararka la xiriira abaabulka kooxaha hubaysan.”
Magaalada Laascaanood ayaa waxaa maalintii tobnaad ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamada deegaanka, dagaalladaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 60 qof, kuna dhaawacmeen boqolaal kale, sida ay sheegaan saraakiisha caafimaadka.
Qoraalka beesha caalamka ayaa lagu yiri “waxaan aad uga walaacsanahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah.”
Beesha caalamka ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wada hadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaaro xal nabadeed.