Waxaa magalaada Muqdisho ka bilaawday da’daalo xal loogu raadinayo khilaafka doorashada ee hakadka galiyay geedi socodka doorashooyinka dalka. Kulamadaaan ayaa waxa hogaaminaya beesha Caalamka.
Kulamadaaan intooda badan ku saabsan khilaafka Doorashada ee u dhaxeeya Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa kulan waxaa uu la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Federaalka (FEIT), Muuse Geelle iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga, iyaga oo ka wada hadlay Arrimaha ku xeeran Afarta kursi ee ay hakiyeen.
“James Swan ayaa waxaa uu ku boorriyey in ay xal u helaan arrimaha ku xeeran afarta kursi ee Guddigu aysan siin shahaadooyinka si doorashadu ay u dhammaato iyadoo aan dib u sii dhicin” ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay UNSOM.
Beesha Caalamka ayaa u muuqata inay u garowday Madaxweyna Lafta Gareen iyaga oo sheegay in eedeynta uu soo jeediyay Lafta Gareen ay tahay mid caqligal una baahan tahay in la tixgaliyo.