Beesha Caalamka oo baaq ka soo saaray xiisada ka jirta Laascaanood

Reading Time: < 1 minute

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa looga hadlay dagaalka maalintii labaad galay ee ka soconaya xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, kaas oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka..

Safiiradda Beesha Caalamka ayaa ugu baaqay dhinacyada in wadahadal lagu dhameeyo dagaalka, iyo in aan la carqaladeyn gargaarka bini’aadantinimo.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Saaxiibada beesha caalamka* ayaa aad uga walaacsan rabshadaha haatan Laascaanood ka socda ee sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.

Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.