Beesha Caalamka oo albaabada ka soo xiratay Farmaajo, taageero toosana siineysa D. Goboleeedyada

Waxa sadaxdii bilood ee la soo dhaafay isbadal ku yimid qaabka beesha caalamka ula dhaqanto dowlada uu hogaanka u hayo Madaxweyne Farmaajo. Isbadalkaan oo markii hore ku koobnaa dalal ka tirsan Midowga Yurub ayaa waxaa hadda hogaanka u qabtay dowalada Mareykanka, gaar ahaan Safiirka u jooga   Soomaaliya Mudane Safiir Donald Yamamoto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marar badan waxa loo sheegay in uu isbal ku sameeyo geedi socodka dowladiisa isla markaana uu wax ka badalo siyaasadda salka ku haysa waalida. Taas oo macnaheedu ahaa in uu hogaan cusub u magacaabo xukuumada si dib loogu helo kalsoonidii shacabka iyo tan beesha caalamka.

Beesha Caalamka oo aragta burburka loo geeystay Baarlamaanka Soomaaliya oo ah Hay’adda Sharci Dajinta islamarkaana laga filaayay in ay isku hayo dalka. Waxa ay ka quusteen hogaankii baarlamaanka waxaana loo arakay in uu noqday Howlgab. ayaga oo taa ka duulayo ayaa waxa lama huraan ay u aragtay Beesha Caalamka in la dhiirigaliyo Dowlad Goboleedyada   oo loo arka awwoda kaliya ee  hartay  oo la xisaabtami karta Dowlad Fadaraalka isla markaana go’aan ka gaari karto qaabka doorasho ee dalka aadi doono mudo ka yar labo sano.

Waxaa asbuucyadii la soo dhaafay ku sii qulqulayay magaalo madaxda dowlad Goboleedyada gaar ahaan kuwa ay ka jirto hanaan dowladnimo sida Jubbaland iyo Puntland wafuud ka socota beesha caalamka. Waxa sida oo kale wada xaajood toos ah lala furay Dowlada Soomaaliland, halkaas oo ay asbuuc ka hor tageen wafdigii ugu badnaa ee ka socday beesha caalamka.

Ma aha kaliya in wafuudaas ay la kulmeen dowlad goboleedyadda, laakiin iyaga ayaa markii ugu horeeysay tagay deeganada Dowlad Goboleedyadda si ay ula kulmaan Madaxda Dowlad Goboleedyadda. Tusaale, Safiirks Mareykanka marka uu doonayo in uu la kulmo Farmaajo iy Kheyre labadaba waxaa looga yeeraa Xarunta Xalane. Yamamoto waligiis ma tagin Villa Soomaaliya, halka uu diyaarada qaasa u qaatay in MW Saciid Deni kula soo kulmo magaalada Boosaaso.

Talabadaan oo ay beesha caalamka qaaday ayaa marqaati ka ah in Xukumaada uu hogaanka u hayo Xassan Kheyre loo arkay mid dib ugu celisay Soomaaliya marxalad horay looga soo gudbay. Su’aasha la isweydiinaya ayaa ah Farmaajo ma ku cimri qaadanayaa isbadalka ku yimid siyaasadda lagula dhaqmo Dowlada Fadaraalka, gaar ahaan fariimaha dadban ee loo soo gudbiyay dowladiisa?

 

Advertisements
Xayeeysiin