Beesha Caalamka iyo Igad oo isku raacay in lasii daayo Muqtaar Rooboow iyo Farmaajo oo ka naxsan!!

Reading Time: < 1 minute

Tan iyo markii lasoo xiray musharax madaxweyne xilka madaxtinimo ee maamulka K/Galbeed Muqtaar Rooboow cali,waxaa ay beesha caalamka iyo dalalka daneeyo arrimaha soomaaliya dadaal ku bixinaayeen in xal la helo oo xuriyadiisa dib loo siiyo.

Shir aan la shaacin oo lagu  falanqeeyay xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, ayaa lagu qabtay xarunta Xalane oo ah taliska Ciidamada AMISOM.

Lataliyaasha dowladda Matalayay ee ka qeyb galay shirka ayaanan ku qanacsaneyn waxyaabaha shirka looga hadlay, waxaana la ogeyn sida dowladda Soomaaliya ku aqbali doonto qorshaha.

Shirka waxaa ka qeyb galay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Safiirka UK, Safiirka Turkey, Safiirka Jabuuti Urur goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo lataliyaasha dowladda Qaarkood, sida xogta aan ku heleyno.

Wararka hoose oo ay heshay Mol ayaa waxaa ay sheegayaan in  ay suuragal tahay in dib loosii daayo Muqtaar Rooboow islamarkaana uu ku laabto Magaalada baydhabo.