Qaramada Midoobay ayaa War saxafadeed ay ka soo saartay heshiiskii shalay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen Magaalada Muqdisho. Xafiiska UN-ka ee Somalia oo Qoraalkiisa ku sheegay inay ku faraxsan yihiin in Golaha Wadatashiga gaaraan is afgarad ku aaddan in la caddeeyo habraaca doorashada iyo dardargelinta doorashada Golaha Shacabka.
Beesha Caalamka ayaa guud ahaan ka gaabsatay inay soo hadal qaado doodihii ka soo baxayay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble oo uu ku eedeeyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday in uu isku dayay Afganbi ka dhan ah xukuumada xil gaarsiinta.
Qaramada Midoobay ayaa oo ka hirtamid aragtida Rooble ayaa sheegaty inay aaminsan tahay in mudnaanta hadda la leeyahay ay tahay fulinta go’aamada, si loo gaaro natiijo la aamini karo oo si weyn loo aqbali karo.Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ku dhiirri-gelinaysay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay sii wadaan wada shaqayn ku dhisan niyad-sami, kana fogaadaan wax walba oo keeni kara xiisado cusub ama khilaaf.
Dhanka kale, Shirka GWQ ayaan marnaba soo haal qaadin ama aan xusin dooda Ra’iisal Wasaare Rooble ee Afganbiga dhisisoobay. Waxaana muuqata in RW lagu amray in susan ku mashquulay dhacdooyin horay u dhacay ee uu ka shaqeeyo doorashada.