Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa caawa shaaciyey arrimihii looga hadlay kulankii ay maanta la yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran ee shirka uga socdo Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay UNSOM ayaa lagu sheegay in Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan uu ku biiray saaxiibada caalamiga ah ee maanta Muqdisho kula kulmay Golaha Wadatashiga Qaranka.
Wakiilada Beesha caalamka ayaa ku dhiirigeliyay Golaha inay dedejiyaan geeddi-socodka doorashada Soomaaliya si loo hormariyo kalsoonida dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
“Saaxiibada beesha caalamka ayaa sidoo kale dhiirigeliyay Golaha Wadatashiga in la horumariyo habraaca doorashada, oo ay ka mid yihiin:
1- In la saxo khaladaadka ku jira xeerarka habraacyada
2- Iyo in la xaqiijiyo waqtiyo cad oo loogu talagalay in si degdeg ah loo soo gabagabeeyo Doorashooyin lagu kalsoonaan karo.
Wakiilada Beesha caalamka waxay caddeeyeen in dhameystirka qodobadaasi ay u oggolaan doonot Soomaaliya inay diiradda saarto arrimaha kale ee mudnaanta leh sida amniga iyo horumarka.
Beesha Caalamka ayaa si cad ugu sheegtay Madasha Wadatashiga Qaran in uu ka dhammaaday Dulqaadkii waxayna u sheegeen MWQ in Doorashada si dhaqso ah loo qabto.