Beesha Ayaanle Ceyr oo ka soo horjeestay qorshaha Kheyre, kana digay dagaal beeleed

Reading Time: < 1 minute

Wararka caawa ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in Beesha Ayaanle Ceyr ay sheegeen in ay ka  soo horjeesteen qorshaha Xasan Kheyre uu doonayo in uu ku kala qaybiyo beesha Ceyr.

Qaar ka mida Nabadoonnada beesha  Reer Ayaanle Cayr ayaa ka soo horjeestay 20 Xildhibaaan ee Al sunna  Wajameeca la siiyay iyagoo sheegay in wixii ay leeyihiin si toos ah loo siiyo beesha.

Dhanka kale Waxaa maanta lacag loo soo dhiibay Cali Wardhere Cali Yare  iyo Agaasime Koofi taas oo la geeyay magalaada Guriceel si loo qanciyo beesha Ayaanle Ceyr in ay aqbaalaan qorshaha Dowlada. Lama iga cida lacagta soo dhiibtay ilaa iyo hadda.

Lama oga waxa ay ku dhamaan doonto arintaan laakiin waxaa la filayaa in beesha ay shir ku yeeshaan magalaada Dhuusamareeb maalinta berito ah.

Xasan Kheyre ayaa waxa ka daba timid beentii uu mudada sideeda bilood ah ku kala iibinayaay shacabka iyo dowlada Galmudug. Waxaan shaki ku jirin in ay adkaan doonto in uu Galmudug dib u dhiso shaqsigii ka danbeyeeyay burburkeeda.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!