Beeraleyda Kenya Iyo Kuwa Soomaalida oo Ku Dhaw In Gacanta Ay Isula Tagan

Reading Time: < 1 minute

Dadka Beeraleyda ah ee degaannada Sosoma ,Ukasi iyo Mwingi East,ayaa waxaa ay ka cabanayaan xoolaley Soomaali ah oo beerahooda kaga daaqsada geela,kuwaas oo marka ay isku dayaan in ay iska celiyaanna xabad kala hortaga.

Mas’uuliyiinta degaannadaas ku matala dowladda Kenya ayaa wasaaradda amniga Kenya ka codsaday in ay arrintooda farageliso islamarkaana wax ka qababto dhibaatada badan ee ay kala kulmayaan degaankaas.

Waxaa ay sheegeen in iyaga aysan heysan Hub,halka Soomaalida Xoolaleyda ah ay ku hubeysan yihiin qoryo,taas oo u diideysa in ay iska celiyaan.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in aysan iyaga hub heysan kaliyana ay heystaan Warmo iyo Fallaaro halka Geelleyda Soomaalida ah ay hub rasmi ah heystaan,waxaana ku adkaatay in ay beeraha ka celiyaan xoolaleyda.

Sidoo kale xoola dhaqatada ayaa lagu eedeeyay in ay tagayaan tuulooyinka degaannadaas iyaga oo dadka degaanka ugu hanjabaya in ay dilayaan haddii ay xoolaha waxyeelleeyaan.

Xildhibaanka degaanka Mwingi , Gideon Mulyungi ayaa codsaday in Booliska Keydka ah ee Kenya la geeyo degaannadaas si dadka beeraleyda ah dalaggooda uga nabad galo xoolaleyda Soomaalida ah ee xoogga ku daaqa beerahooda.