Beeralay loogu dilay aano qabiil degaano hoos yimaado Gobolka Hiiraan

Reading Time: < 1 minute

Dad Beeralay ah oo ka tabcada beeraha ayaa si ku talagal ah loogu dialy Gobobka Hiiraan Dadka la dilay oo gaaraya ilaa 6-qof ayaa la sheegay in lagu dilay dhul beereed qiyaastii banaanka ka ah magaalada Baladweyne 20-Km.

Sida ay xaqiijeen dad gobjoogayaal ah, dilka ayaa sidoo kale la sheegay in uu yimid kadib markii muran uu soo kala dhex galay beela walaalo ah oo wada daga gobalka, kaas oo markii dambe sabab in ay halkaas lagu dilo dadka oo la sheegay in ay xilligaasi ku jireen xiridda baalayaadda cadeedda, Dilka dadkan ayaana dhacay shalay oo Jimca aheyd.

Wararka ka imaanaya deegaanka uu dilka ka dhacay ayaa  sheegaya in halkaas uu ka socda abaabul labada beelood ah, waxaana xaalad deegaanka la sheegay in ay tahay mid kacsan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!