Beentii Wasiirkeenna Maaliyadda Dr. Cabduraxman Ducaale Beyle oo Kaligeed bannaanka Is keentay: Shillin Somali Ma soo daabici karno.!!

Reading Time: 3 minutes

Wasiir Beyle waxaa uu markii ugu horreysay noo sheegay in Desember 2017  Xukuumadiisa ay dalka keeni doonto shilin Somali, wixii intaas ka dambeeyeyna habeenba meel ayey beentaas kuu sii hoyaneysay. Wasiirka ,oo ah qofka seddexaad madaxda aan afkooda iyo dhegahooda is maqlin waxaa kaga horreeya dhinacaas MW Farmajo iyo RW Kheyre, ayaa waxaa uu toddobaadkii hore qirtay inaysan dhoweyn in shilin Somali la soo daabaco, waana hadalka runta u dhow oo uu wiliigiis ku hadlo intii uu joogay wasaaradda Maaliyadda.

Haddaba aynu eegno dhibaatada iyo faa’iidada uu leeyahay shilin Somali xelligaan la soo dabaco.

Waxaa la oran karaa waa Sharaf in dalku uu leeyahay lacag mana jirto cid diideysa laakiin waa in la miisaamaa waxa ka dhalanaya. Si cunug caloosha ku jiraa loo badbaadiyo sax maaha in hooyada la dilaa. Marka lacagtaas khasaaraha ay dalka u leedahay uu ka badan yahay fa’iidadeeda waa inaan la soo daabicin inta laga yeelanayo murqo iyo maan wada socda oo loogu babac dhigi karo haddii culeys dhaqaale ka yimaado.

Dalku uma aha diyaar in lacag Shilin Somali hadda la keeno sababahan dartood:-

  1. Bangiga dhexe ee dalka ayaan innaba u diyaarsaneyn xakameynta, ilaalinta iyo dhaqangelinteeda oo xataa farsamo ahaan uusan bangiga haysan software lagu maamuli karo xajmi lacag intaas la eg, taas oo keeni doonta sicir barar khater leh iyo hoos dhac maaliyadeed oo ku habsada hannaanka dhaqaale ee dalkana taas oo saameyn weyn ku yeelan doonta dhammaan shacbiga Somaliyeed ee dibad iyo gudahaba jooga.
  2. Maadama aysan dawladdu gacanta ku wada hayn dalka lacagtaan lafteeda ayaa inta meel kale laga soo sameysto dhinaca kale dalka laga soo gelin karaa, kadib lacago badan oo been abuur ah ayaa inta bangiga loola tago laga soo badalan doonaa, waxaana hubaal ah in dib loo diyaarsaday dhammaan makiinadihii daabici jiray shilin Somliga been abuurka ah. Haddii taas ay dhacdo waxaa hal mar is badalaya qiimaha cuntada iyo dhaamaan alaabooyinka lagu nool yahay, waayo dad badan ayaa waxay helayaan lacago been abuur ah iyadoo aysan suuqa aallin badeecadii ku filneyd.
  3. Haddii 1000 shilin la soo geliyo dalka waxay u tarmeysaa si aad ah oo way waregeysaa, dawladduna ma haysato lacag doller ah oo intey dib u iibsato suuqa uga yareyso lacagaha si sicir bararka loola dagaallamo.
  4. Waqtigaan hadda la joogo xiriirka Maamul Goboleedyada dalka iyo Dawladda Federaalka oo aad u sii xumaaday, fargelinta joogtada ah ee dawladda darted in lacagtaas ay ka socon weyso gobollada dalka, iyadoo lahubo inaysan ka socon doonin dhulka shababka ay gacanta ku hayaan iyo Somaliland.
  5. Lacagta oo numbarro waa weyn ah oo aan lahayn sarrif yar yar, waana dhibaatada hadda uu dollerka dadku ku hayo oo ma jiro wax hal doolar ka yar. Taasina waxay keentay inuusan dalka ka jirin wax hal dooller ka yar lagu iibsado. Shilinkuna sidaaas ayuu noqnayaa oo haddii 5,000 shilin Somali ah aad wadatid oo aad koob shaah ah oo 2000 shilin jooga aad cabtid sarrif ma leh. Marka waa inaad shan shaaha cabtaa ama waa in qiimaha koobka shaaha laga dhigaa 5,000 waana halka u sicir bararka rasmiga ka billaabanayo.
  6. Kharash aad u badan ayey u baahan tahay in lagu soo daabaco lacagta ShilinSomaliga waana ilaa $41m, kadibna waxaa suuragal ah inay dawladda socodsiin weyso oo halkaasna dalka uu ka galo  dhowr khasaaro, iyadoo la hubo inay u baahantahay malaayin doolar oo lagu ilaaliyo , laguna dhaqan geliyo loomana hayo.

Guud ahaan waqti xaadirkan sicir bararka dalka aad ayuu u yar yahay waayo sarrifka shiling ilaa muddo waxaa iska badalay wax aad u yar oo ay xelliyadu keenayeen, laakiin waa joogto oo sici barar ma dhicin ayaa la oran karaa muddo 6 sano ah. Sababtuna waa dollerka oo xakameysan, mana fududa is badal deg ah oo uu sicir barar ku sameysmo.

Sidaas darted, dawladdii tan ka horreysay ee Xasan Sheekh Maxamuud waxay hakisay in lacagtaas la soo daabaco si dhibaatada dhaqaale ee ka dhalaneysa looga badbaado  iyadoo magac weyn ku heli lahayd waana waxa loo baahan yahay in la ilaaliyo. Dawladaansa dal iyo dad uma tureyso haddiiba iyada ka heleyso hal fursad oo igu sawir ah. RW Kheyre ayaa laga soo weriyey ” War Beylow beentii waa socon la’adahay miyaa?” 

Haddaba Wasiir Beyle, MW Farmajo iyo RW Kheyre waxay ku celceliyaan guul ayaan gaarnay bal shacabka  ha u sheegaan hal mashruuc, hal qorsho siyaasadeed ama talo lagu najaxay oo ay keeneen.