Beentii RW Kheyre halkee bey ku danbeeysay? Maxase dan u ah dhalinta Somaliyeed?

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisal Wasaare Xassan Kheyre oo shacabka Somaliyeed uga barteen been abuur iyo balan qaad aan loo meel dayin aya waxa ay keentay in dhalinta Somaliyeed ku hungobaan rajadii ay ka qabeen Dowalada Somaliya. Mudo ku dhaw labo sano ayuu  RW Kheyre waxa uu sheegayay  kuna faanayay in u shaqaaleysiiyay in ka badan 2,000 oo dhalinyaro ah taas oo ah been aan sal iyo raad lahaynin.

Dhalinyarada Somaliyeed oo ay ku raagtay shaqo la’aanta iyaga oo waxbartay ayaa waxa ay bilabeen in ay isticmaalan qaab cusub oo ay shaqo ku raadinayaan iyaga oo diyaar u ah in ay ka shaqeeyaan shaqo kastaa oo ay noloshooda ku maareyn karaan.

Mid kamida dhalinta aya u sheegay MOL in dhalinyadii lumisay rajadii ay nolol ku sameeysan lahaayen. Maxmed Cilmi (Maxmed Yare) ayaa yiri “.. bal eeg Xafiiska RW Kheyre waxaa ka shaqeeye oo kaliya dhalinyaro ka  soo jeeda beesha uu ka dhashay, waxa uu ka xishoon waayay in uu dhalinta kale  ee ka soo jeeda beelaha kale laga shaqalaysiiyo xafiiskiisa, sidee bey macquul ku tahay in ninka noocaaas  kaas wax laga sugo”