Beentii iyo Ballan qaadkii MW Farmaajo? Maxaa la gudboon maanta? (Daawo)

Reading Time: 2 minutes

MW Maxamed Cabdullahi Farmaajo aya intii uusan noqon Madaxweyne iyo kaddib markii uu noqday Madaxweynaha JFS sameeyay ballan qaadyo aad u tira badan isagoo ka sheegay fagaarayaal kala duwan sida Baarlabaanka iyo mar uu shacabka kula hadlayay garoonka Istaadiyo Koonis ee magaalada Muqdisho.

Haddaba waxaan qormadan ku qaadi dhigeynaa ballamadii uu qaaday MW Farmaajo maxaa ka fuliyay muxuuse ku fashilmay.

  1. Amniga – MW Farmaajo aya noqday Madaxweynihii ugu horreeyay abid ee si ba’an ugu fashilma sugidda amniga, MW Farmaajo aya xilka lagu wareejiyay iyadoo inta badan dalka laga xoreeyay kooxda Shabaab, magaalada Muqdisho oo nabadeeda aay aad u soo hagaagtay nolosha shacabka ay caadi ku soo noqoneysay si tartiib ah, waxaa magaalada Muqdisho gacanta ku hayay amnigeeda ciidanka Nabadsugidda iyo Ciidanka Xoogga dalka.
  2. Tan iyo markii uu xukunka la wareegay kooxda shabab waxay dib u qabsadeen 12 goobood oo hore looga xoreeyay nolosha shacabka goobahaasna ay caadi ku soo noqoneysay
  3. Ammaanka caasimada Muqdisho aya gebi ahaanba faraha ka baxay, waxaana magaalada kala bar ka taliya kooxda Shabab. Waxaa Shabab ugu danbeysay in ay canshuur ka qaadaan ganacsatada Muqdisho sanadkii 2012, balse maanta waxay canshuur maalinle ah ka qaadaan suuqa Bakaaraha iyo suuq bacaad.
  4. MW Farmaajo ayaa ballan qaaday in muddo lix bilood ah uu dalka uga xoreyn doono Shabaab sona celin doono amni buuxa
  5. Wuxuu ballan qaaday in uu la dagaalami doono musuqmaasuqa, isla markaana aanay dhici doonin in askari Soomaaliyeed uu waayo xuquuqdiisa.
  6. Wuxuu ballan qaaday in muddo seddex bilood ah uu wax uga qaban doono hay’adaha caddaaladda muwaadin walbana uu heli doono caddaalad buuxda.
  7. Wuxuu ballan qaaday in uu horumarin doono dhaqaalaha, dhalinyaradana uu u sameyn doono shaqo abuur si ay uga kaaftoomaan in ay tahriibaan.
  8. Wuxuu ballan qaaday mudada afarta sano ee uu xukunka hayo in Soomaaliya ay ka hormari doonto wadamo badan oo Afrika ah.

Haddaba akhristow sida aad ku daawan doontid muuqaalka hoose ee MW Farmaajo uu ku sameeyay ballanqaadyada kor ku xusan, maxaad is leedahay waa la gudboon tahay maanta maadaama uu si ba’an ugu fashilmay fulinta ballanqaadyada uu sameeyay.

Waxaa baraha bulshada la isla dhex marayaa in ay la gudboon tahay in uu is casilo maadaama uu ku fashilmay hoggaanka dalka.

MW Farmaajo aya dalka dib u celiyay toban sano kabadan, waxaana maanta ay dowladnimada iyo jiritaanka Soomaaliya ay ku jirtaa khatar u baahan in laga badbaadiyo Farmaajo iyo kooxdiisa.

[powr-countdown-timer id=”54bddde8_1554046798″]

Halka hoose ka daawo Ballan Qaadkii BEENTA ahaa ee MW Farmaajo