Beenta Wasiir Beyle waxay gaarsiisay in loo aqoonsado cadowga koowaad ee Qaranka.

Reading Time: 4 minutes

Bal aynu raad raac ku sameyno sababta ay sax u tahay in wasiir Beyle la eryo, annagoo eegeyna oo kaliya hal dhacdo iyo saameynta sharci iyo khilaafka habraca maaliyadeed ay leedahay waa $50 M ee Sacuudiga.

Wasiir Beyle wuxuu sheegay inay lacagta Dalka Sacuuduga ka timid ay Somaliya soo gaartay bishii September 2017. Lacagtaas waxay ahayd $50M kama mid ahayn miisaaniyadda dalka ee uu golaha shacbiga ansixiyey. Marka ay sidaas dhacdo waxaa jira habraaca sharciyeysan oo loo maro lacagaha yimaada kadib marka miisaaniyadda ay hawlgasho waana sidaan:

  1. Wasiirka Maaliyadda wuxuu lacagtaas u soo sameynayaa qoondeyn ku aadan halka lagu bixinayo iyo sida loo isticmaalayo, hasa yeeshee wasiir Beyle oo ogsoon inay ariinta noocaas ah ay keeni doonto, xisaab celin iyo inaan lagu takri fali Karin waxaa uu lacagtkii isaga madaxdiisa kakag abarlamanka iyo shacbiga xisaab dibadeed aan amarkiisa maahine mid kale wax looga bixin Karin wuuna iskana isticmaalay.
  2. Wuxuu kaloo intaas sheegayey in dhammaan lacagaha uu hayo ee ah xiisaabaadka dawladda lagu dhaqmo ay yihiin hab caalami ah oo

Hadaba haddi ay sidaas tahay maxaa wasiirka u diiday inuu golaha barlamaanka horkeeno lacagtaas aan horey loogu talo gelin oo dalka soo gashay uuna soo diyaariyo sida uu u qoondeeyey isticmaalkeeda isagoo soo weydiisanaya  in loo oggolaado sida uu qabo habka caalimiga ee lagu dhaqo miisaaniyadda.

Wasiirka sidaas ma smeynee wuxuu bilaabay inuu iska isticmaalo lacagtaas sida ay sheegtay Guddomiye ku xigeenka Bangiga dhexe.

Muddadiii 4ta bilood ee sannadkii 2017 ayuu lacagtaas qeybo kamid ah u isticmaalay si ku khaldan habka dhaqanka miisaaniyadda oo ah isagoo aan haysan oggolaanshaha barlamaanka ama guddiga Maaliyadda.

Waxaana wasiirka uu noo sheegi jiray inuu ku shaqeeyo hab calami ah oo lacag waliba halkii loogu talagalay ay marto oo xataa facebook ka sheegay in qofkii ugu yimaada lacag uu ka fiiriyo buugga miisaaniyadda, haddii uu ka waayana uu yiraahdo waxba kuuma hayo.

Hasa yeeshee dadka la rabo waxaa meel u taallay $50M oo uu siduu rabo ka yeelo taasina maaha dhaqan caalami ah ee waa kutakri fal awoodeed iyo xatooyo xoolo dadweyne.

Sidoo kale hay’adaha caalamiga ee beentaas joogtada u heli jiray sida Bangiga adduunka, IMF iyo hay’ad kasata oo calami ah waxaa saaran mas’uuliyad ah:

  1. Waajibaadka daryeelka (duty of Care), taas oo ah inay shacbiga Somaliyeed oo maamulkooda maaliyadda qeyb ka yihiin iny u sheegaan khaldaadka ay galayaan mas’uuliyiinta ay la shaqeynayaan.
  2. Inay ka qabtaan khaldaadka ay galayaan mas’uuliyiintaas oo ay aqoonteeda iyagu leeyhiin balsa aysan shacbiga Somaliyeed lahayn waana sababta ay khubaro dalka la shaqeysaa u yihiin.
  3. Marka talooyin ay hay’adaha caalamiga ay bixiyaan waa inay ku adkeystaan inaan horay looga socon ilaa talooyinkaas la dhaqangeliyo ama meel la isla dhigo.

Waxaa jira eray mar waliba ay la boodaan madaxda dawladda kaas ah waxaa jira horumar (progress), waxayna ka tagaan talooyinkii (te recommendations) la bixiyey waana halka musiibado ka jirto.

Guddiga Maaliyada

Markii uu guddiga maaliyadda soo helay khaldaadkan maaliyadeed Waxaa la isticmaalay in guddiga la kala qebiyo, oo qaar dhuuniqaatayaal ah la laaluusho. Dhaqankaas wyxuu dhaliyey khalad  ka sii weyn midkii hore. Dhinaca kale waxaa dheg xumo ah in la yiraahdo maxaa ummadda loogu sheegay arrintaan, waxayna ay arrintaan ka careysiisay cid kasta oo wax qarsaneysay oo uu wasiirka iyo madaxiisa ugu horreeyo. Waxaa kaloo ceeb intaas ka daran ah in fal dambiyeed qarsoonaa oo la soo saaray uu G/K Barlamanka ka cudur daarto yiraahdana sidaas ayuu ku xeran yahay lagamana wada hadli doono mar kale. Waaye yaa siiyey awoodaas ah inuu khaladkaas cad oo ah xisaabo inuu yeesho awood uu ku tuuro.

Gudoonnka barlamanka waxaa laga rabay:

  1. In haddii guddiga khalad ka dhex dhacay lala xisaabtammo oo la saxo.
  2. In wasiirka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir laga dalbo inay horyimaadaan barlamanka oo ay mid mid u sharraxaan waxa dhacay iyo lacagaha $42M ee maqan halkii ay aaday,  sidii ay ku baxday iyo in laga soo celiyo cidii lunsatay.
  3. In wasiirka iyo guddoomiyaha kalsoonida lagala noqdo haddii ay caddeyn waayaan halka ay lacagahaas ku baxeen, haddii ay iyagu qaateenna laga soo celliyo oo haddii uu jiro fal dambiyeedna lagu maxamadeeyo inta askari $100 qaatay la maxkamadeynayo.
  4. Wasiirka oo kaa shanaya wasiirro ay isku ujeedo yihiin oo nasiib ay tahayba inay xildhibaanno yihiin ay been cad golaha shacbiga ka horsheegay wuxuu yiri” Waxaa maalin dhaweyd halkaan la keenay warqad dhabarka ka jebineysa ummadda oo dhaleeceneynsa ceelkii laga soo saaray” War waa yaabe wasiirka haddii la yiri meel ku sheeg qeyb ka mid ah xoolihii laguu dhiibay ma dhaleeceyn baa? Waxaa la yiri kaalay oo noo sheegay halka lacagahaas ku maqan yihiin, hasa yeshee lacag iyo xisaab kaa hadline wuxuu ka hadlay dalkaa lagu soo duulay oo gudigii ayuu u sawiray inay yihiin kuwa dalka dhaawacaya. War dalka waxaa dhaawacaya ninka hanitida ummadda dhacaya ee haddana been ku maaweelinaya.
  5. In ummadda Somaliyeed ay ogaato in miisaaniyadda sax loo raacay iyo in laga beyray oo u talagal looga leexday si wax loo lunsado.

Haddii hal sano gadaal u sikanno wasiirka bishii Janaayo 2017 ayuu laamaha warbaaxinta iyo baraha bulshada ka sheegay inay miisaniyadda shacabka lagala tashaday, haddaba marka ay khaldantay oo wax la isdabariyo shacabka maxaa uu diidaya in loo soo bandhigo.

Isku soo duub, wasiirka iyo dawladda ayey ahayd inay cudur daar bixiyaan markii uu gudiga maaliyadda khalad soo helay ee ma ahayn in guddiga la eedeeyo.  Kaba dhig in guddiga  shaqeeyey inay wax ka dhinnaayeen balse waxa ay soo heleen oo dhac iyo boob baalmar habraaca maaliyadeed waxay ahayd inay dawladdu ku dhaqaaqdo inay wax ka qabato.

Midda uu maanku diiday waxay ahayd markii  Beyle uu golaha ka sheegay inay xubni guddiga Maaliyadda weydiistay mashruuc wasiirka shacabka wuxuu ka sugaa Inuu xubnahaas magacooda sheego kuma baxsan karo Inuu eedeeyo guddi barlaman oo uu abuuro inay san shacbiga ku kalsoonaan guddiyada barlamanka, isgana uu iska duunto. Wasiirka waxaa laga rabaa caddeyn.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!