Been Iyo Marin Habaabin ku jirta Qorshaha 2020-25 oo ku Aadan Xaraashka Shidaalka

Reading Time: 2 minutes

Wasiirkii ee wasaaradda Betrooka Mudane Maxamed Mukhtaar ayaa waxaa uu bartiisa Facebook  ku soo qoray qoraal muhiim ah oo uu kaga hadlay marin habaabin weyn oo ku jirta qorashaha shanta Sano ee dowladda ee 2020-2025 oo ku aadan shidaalka. Wasiirka oo aqoon u leh hawlaha shidaalka, ila markaan tilmaami kara haddii ay jiraan wax aan macquul ahayn ayaa isagoo gudanaya waajibaadkiisa distuuriga ah ee muwadinimmo waxaa uu bartiisa ku muujiyey iska hor imaadyo marin habaabin ah oo qorasha qeybta ku aadan shidaalka ku jirta. Halkaan ka akhriso qoraalka wasiirkii hore oo dhan:

“Waxaan u hambalyaynayaa Wasaaradda Qorsheynta iyo dhamaan intii ka so shaqeysay diyaarinta Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka. Qorshaha oo ka kooban 400-bog, inta uu dhaxeysa bogga 226 – 228 waxaa looga hadlayaa arimaha shidaalka. Qoraalka waxaa ku jiro taariikho iska hor imaanaya, haddii aanan si fiican looga fikirina Soomaaliya u keeni karo culeys. Bogga 226, faqradiisa 10.1 waxa uu lee yahay “Dowladdu waxay qorsheyneysaa inay bixiso 15 xermo (blocks) 6-da bilood ee soo socota ka dibna kuwa kale loo bixiyo si joogto ah. Dowladda waxay haminaysaa inay bilowdo shati siinta sahaminta batroolka iyo macdantaka hor Maarso 2020.”

Sidoo kale qoraalka bogga 228, faqradiisa 10.3, xarafkiisa (ii) waxa uu lee yahay “Qabyo qoraalka sharciga Shidaalka waxaa la filayaa inuu diyaar noqdo ka hor Juun 2020.”
Xermooyin shidaal ama heshiis shidaal lama geli karo ayada oo aanu soo dhamaystirmin Sharciga Shidaalka, sida daraadeed waxaa loo baahan yahay in labadaan taariikh la is waafajiyo.

Isla qoraalka bogga 228, faqradiisa 10.3, sadarka ugu danbeeyo waxa uu lee yahay “Soomaaliya waxay sidoo kale qorsheyneysaa inay dhisto Hay’adda Batroolka Soomaaliya iyo Shirkadda Batroolka Qaranka Soomaaliyeed, Hay’adda Macdanta Soomaaliya iyo Shirkadda Macdanta Soomaaliyeed hal sano kadib sharciga batroolka marka la ansixiyo.”
Qabyo qoraalka Sharciga Shidaalka waxa uu sheegayaa in Hay’adda Batroolka Soomaaliya iyo Shirkadda Batroolka Qaranka Soomaaliyeed la sameeyo sanad gudahood marka sharciga la ansixiyo ee ma ah sanad kadib marka sharciga la ansixiyo.

Mida kale Qorshaha Qaranka waxa uu sheegayaa inay dowladda qorsheynayso inay bixiso shatiga sahminta shidaalka ka hor Maarso 2020 taas oo macnaheedu yahay in dowladdu bixin doonto shatiyo ka hor inta aanan la dhisin Hay’adda Batroolka Soomaaliya iyo Shirkadda Batroolka Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaan rajaynayaa in qoraalka Qoshaha Qaran iyo qaab maamulka kheyraadka noo saxmaan.”

Maaha tan oo kaliya khadaadka ku jira qorshaha ee waxaa jira kuwa badan oo u baahan inay qof waliba oo aqoon u leh ama maadada uu aqoonteeda leeyahay uu ka eego qorshaha kan oo ah waajibaad distuuri ah oo muwadin kastaa saaran.

MOL waxay ka qortay maqaalkan kooban:

 

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!