Been abuurka Mahad Cawad iyo Muudeey malagu kala diri karaa guddiga Maaliyadda (Akhriso)

Reading Time: 3 minutes

Guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay in la kala diray guddiga miisaaniyada, maalliyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka ee golaha ayadoo gudoonka uusoo dhisi doono gudi cusub.

Warqad kasoo baxday guddoonka oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudeey ayaa lagu sheegay in kala dirista ay ka dambeysay kadib markii xubnaha guddiga ay ku xadgudbeen xeer hoosaadka baarlamanka, islamarkaana khilaaf uu ka dhex dhashay xubnaha..

Muudeey waxa uu yiri waxaan guddiga kala diray markii…

1 – Aay addaatay khilaafka ka dhex jira guddoonka guddiga, oo gaaray heer fool xun.

2 – Markii ay xubnaha isku khilaafeen golaha hortiisa, oo aaney muuqan wadashaqeyn ay ku guraan waajibkooda,

Muqdisho Online ayaa ogaatay labada sabab ee kor ku xusan uu Muudey cuskaday kadib laba warqad oo ay kala qoreen guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad iyo xoghayaha guud ee golaha Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux.

Mahad Cawad ayaa warqaddiisa eedeyn ba’an ugu jeediyey xubnaha guddiga, oo ay ka mid ahaayeen xeerar lagu xadgudbay, wada-shaqeyn la’aan xubnaha dhexdooda ah iyo xubno ka mid ah guddiga oo cabasho usoo gudbiyey.

Warqadda uu soo saaray Buux oo iyana ku timid codsi uu u jeediyey Mahad Cawad, waxaana lagu sheegay in soo gudbinta warbixintii musuq-maasuqa ku eedeysay xukuumadda aan loo marin habraaca saxda ah.

Bal ka fiirino dhinaca sharciga sida ay ugu xadgudbeen Mahad Cawad & Cabdiweli Muudeey.

  1. Wax is weydiin muda “Awooddaa uu guddoonku adeegsadey xaggee bay kaga xusan tahay xeer-hoosaadka golaha shacabka?”.

Yaase awood u siiyay inay kala diraan guddi la doortey? Mise kala diri karaan?

2. Haddii uusan jirin qodob xaq u siinaya guddoonka golaha shacabka inay kala diraan guddi dhisan, waxaa suuragal ah in guddoonka loo raacdo qodobka 9-aad, faqradiisa 1-aad, xarafkiisa D, oo dhigaya in guddoomiyaha golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen ay xilalkoodii waayi karaan haddii ay ku xadgudbaan xeer-hoosaadka golaha.

Xad gudubkaas muxuu noqon karaa?

  1. Wuxuu noqon karaa adeegsiga awood aadan lahayn, kuna xusnayn xeer-hoosaadka golaha, isla mar ahaantaana aad u cuskatey, kuna salaysay go’aan adiga kuu gaar ah, aadna ku kala dirtey guddi dhisan oo shaqeeya.

2. Qodobkaa 9-aad muxuu fududeydin karaa, ama ba uu dhalin karaa?

3. Waxa uu dhalin karaa in guddoomiyaha golaha shacabka iyo labadiisii ku xigeen mooshin laga keeno, ayagoo lagu qaadayo qodobka 9-aad, faqradiisa 1-aad, xarafkiisa D, kaasoo marag iyo xujo ku noqon kara guddoonka iyo ku xigeennadiisa, kuna marqaati furi kara inay adeegsadeen awood aanu ku xusnayn xeer-hoosaadka golaha, ayna ku kala direen guddi dhisan oo shaqeeya.

Hoos ka arag warqadda Cawad oo saddex bog ah iyo tan Buux ooh al bog ah.