Sida ay sheegayaan Wararka MOL kasoo gaaraya Gobolka Shabeellaha dhexe dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa saakay ka bilaawday tuulo hoostagta degmada Cadale ee gobolkaasi Shabeellaha dhexe.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa deegaanka Burdheere, waxaana dadka deegaanka ay ku waramayaan in uu jiro khasaaro labada dhinac ay isku gaarsiiyeen dagaalkaas, hayeeshee aan weli sirasmi ah loo helin tirtada dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka.
Maleeshiyadka dagaalamaya ayaa isku-heysta dhul daaqsimeed halkaasi ku yaalla,waxaana lagu soo waramayaa in Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo horay loo kala dhex dhigay ay isaga soo baxeen, sidaasina uu markale dagaalka ku bilaawday.
Labada beelood ee wada dagaalamay ayaa waxaa horay Magaalooyinka Jowhar iyo Cadale loogu qabtay shirar dib u heshiisiin ah, hayeeshee aan weli waxba kasoo bixin, waxaana lagu soo waramayaa in xaalad kacsanaan ah ay maanta ka jirto deegaanka Burdheere oo hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe.