Beelihii ku dagaalamay magaalada Gaalkacyo oo digniin adag loo diray

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha gobalka Mudug, Feysal Sheekh Cali ayaa sheegay Dawladda Puntland ay la wareegtay dhul ku yaalla magaalada Gaalkacyo, kaas oo khamiistii ay ku dagaalameen labo maleeshiyo beeleed.

Dagaalka labada maleeshiyo ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeryooday afar ruux, halka dhowr kale ay ku dhaawacmeen.

Guddoomiye Jifa-jabsade ayaa sheegay in dawladdu geysay dhulka lagu dagaalamay Ciidammo, kuwaas oo amar lagu siiyay inay cagta mariyaan maleeshiyaadkii yimaada.

Waxaa kale oo uu sheegay inay wadaan baaris la xariirta in dagaalkaas ay ku lug laheyd kooxda Al-Shabaab, loona saaray guddi.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa degnayd saacadihii lasoo dhaafay, waxaana jira dadaalo ay hormuud u yihiin waxgarad, kuwaas oo doonayo in xal waara laga gaaro dagaalkii shalay.