Kulan aay soo qaban qaabiyeen Sen. Dhagdheer, Sen. Dhageey iyo Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo habeenkii xalay ahaa lagu qabtay hotelka SYL. Kulankaan oo la isugu keenay beelaha Murusade iyo Duduble ayaa qorshuhu ahaa in ay soo saaran baaq ay ku diidan yihiin Madaxweyne Axmad Ducaale. Laakiin odoyaashii ka soo qayb galay Kulanka waa ay ka. Iyo diideen taladaas.
Kulankaan oo la isugu keenay odayaasha iyo wax garadka beelaha Murusade iyo Duduble ayaa qorshuhu ahaa in ay soo saaran baaq ay ku diidan yihiin Madaxweyne Axmad Ducaale. Balse cuqaashii iyo waxgaradkii ka soo qayb galay kulanka ayaa ka biyo diiday taladaas. Ujeedka loogu yeeray ma ahayn in aay taageeraan dowladda, balse waxaa loo sheegay in ka soo qeyb galaan kulan looga tashanaayo nabad kusoo dabaalidda xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Galmudug.
Abukar Socdaal oo ka mida odoyaasha ka qeyb galay ayaa yiri “Anaga dagaal qabiileed nama galinaysaan, waxaadna noo sheegteen in kulan wadatashi oo nabad lagu raadinaayo in aad qabaneysaan, anaga Dhagdheer iyo Dhagay waan garanay ujeedkiina oo waxaad rabtaan in aad sidii caadadiina ahayd aad ka ganacsataan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Galmudug”
Shirka ayaa socday wax ka yar 40 daqiiqo kaasoo markii danbe lagu kala dareeray.