Beelaha G/mudug oo ku eedeyay Badiyow in uu ka been abuuray (Daawo)

Reading Time: < 1 minute

Beelaha dega Galmudug ayaa ku eedeyay Gudiga uu magacawday Xasan Kheyre ee loogu yeero gudiga dib u heshiinta Galmudug.

Beelaha dega degmooyinkii uu dhawaan Gudigaas soo maray ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Cabdiraxmaan Baadiyow uu yahy mid been ah xaqiiqdana ka fog.

Gaar ahaan waxaa arintaan ka hadlay beelaha dega Galkacyo iyo Cadaado oo ku tilmaamay wax laga xumaado in nin aqoonyahanimo iyo wadaadnimo sheeganayo in  ka been abuuro beelo iyo oday dhaqameedkooda.

Mid ka mida odoyaashaas ayaa yiri “ninkaas iyo gudigiiisa waa naga been abuureen, waan u sheegnay in aanan imaanaynin Dhuusamareeb waxa ku hadlayna waa baadil”.

Cabdiraxmaan Baadiyow oo ka mida aas-aasayaasha urur diimeedka Al Islah ayaa u Muuqda mid doonayo in uu shirka Dhuusamareeb u adeegsado dano isaga iyo kooxdiisa  u gaar ah”.

Ma aha kaliya in odoyaasha Cadaado beeniyeen hadalka been abuurka ah ee uu Baadiyow ka sameeyey dadka reer Cadaado balse waxa iyaga iska diiday oo ka horyimid beenta Baadiyow beelaha dega Gaalkacyo iyo Xeraale.

Iyada oo waxgardka Galmudug ka baqayaan in Cabdiraxmaan Baadiyow iyo kooxdiisa oo uu isticmaalayo Xasan Kheyre ay qortaan dad aan matalin reeraha dega Galmudug ayaa ay ka digeen in lagu been abuurto reer Galmudug.

Waxa ayna cadeeyeen in ayan jiri doonin dad ku matala  reeraha dega cadaado, Gaalkacyo iyo Xeraale shirka Dhuusamareeb.

Dhaqanka ay muujiyeen gudiga Xasan Kheyre magacaawday ayaa waxa tusaale u tahay dhibka ka dhalan Kara hadii shir beleed been abuur ah lagu qabto Dhuusamareeb. Waxaana macquul ah in shirka noocaas ah uu keeni doono in dadka reer Galmudug kala sii fogaadan.

https://youtu.be/841X9aQwqlM