Beel Madaxweyne Farmaajo U Gudbisay Cabasho Ka Dhan Ah Xildhibaanada Beeshaasi Ku Matala Baarlamaanka Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute
wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo loo Gudbiyay Warqad dacwo ah taasoo looga cabanayo Xildhibaano iyo shaqsiyaad kale.

Beesha Tuni oo ka mid ah Beelaha Digil ayaa Madaxweyne Farmaajo u gudbisay codsi ku aadan in la bedelo shaqsiyaadka u matala Dowalda Soomaaliya gaar ahaan Labo Xildhibaan oo kala ah Nuuraani iyo Muna Khaliif Sheekh Abuu oo loo yaqaano Muna Kay.

Sidoo kale Warqad Beesha Tuni ay u gudbisay Madaxweyne Farmaajo waxay ku cadeysay in Xildhibaanadan aysan shaqo wanaagsan u heynin dadka ay matalaan waxaana lagu kala eedeeyay:-

1: Muna Kay oo ah shaqsi ku caan baxay Fashionka kana mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa lagu eedeeyay inay yar tahay waqtiga ay dalka joogto iyadoo safar joogta ah gasha isla markaana aanan ka warqabin dadka ay matasho

2: Xildhibaan Nuuraani waxaa lagu eedeeyay inuu wado falal uu iskaaga horkeenayo waxgaradka iyo siyaasiyiinta Beesha Tuni, isagoo u kala warqaada labada shaqsi ee isku heysta Suldaanka Beesha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu wada tashiyo arintan kala yeelan doono dadka ay quseyso isla markaana uu daba gali doono codsiga ay soo gudbiyeen Waxgaradka Beesha Tuni.