Beecinta qamriga oo ku soo badanaya Puntland iyo Dowlada oo daagal kula jirta

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Bari ayaa Maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada Booliska ay ku guleesteen in ay soo qabtaan. Ciidamada ammaanka oo Howlgalo ay ka sameeyeen Magaalada iyo baraha Kantaroolada ayaa khamrigan gacanta ku dhigay, xili la qorsheeyay in la si qarsoodi ah loo geliyo Magaalada Boosaaso.

G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo ah Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari Gobolka oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in khamriga la gubay oo kaartoono lagu soo dhex qariyey lagu qabtay baraha Kantaroolada laga soo galo Magaalada.

Taliyaha ayaa boggaadiyay howlgalada looga hortegayo waxyaabaha maandooriya ee Khamriga, wuxuuna si Cad u sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabtay falkaas. Goobta lagu gubaayay Khamriga lagu qabtay Magaalada Boosaas ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda, Xeer ilaalinta iyo Saraakiil Ciidan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!