Bayle oo Beentiisii ku Celiyey iyo NN oo la Mashxaradeysan Beentaas.

Reading Time: 3 minutes

Iyadoo ay soo gabagaboobeyso xelliigii uu been kale sheegi lahaa wasiirkii ugu beenta Badnaa dowladdii Farmajo ayaa waxaa uu hadda wadaa in ka tago haddallo dhiiqo ah oo keenaya inay dowladda Soo socotaa ay ku marin habowdo, dadkana ay rumeystaan, NN-na ay Faan la wareegaan.

Waxaa xusid mudan in dawladdii Xasan Sheekh ay febraayo 2017 xilka ka degtay, haddana mushaharka shaqaalaha bilihii ka dambeeyey oo dhan Waa la bixiyey. Taas mala oran karaa karaa dawladdaas ayaa 6 dii bilood mushaarkood uga tagtay dowladdii Farmajo sida Maanta uu Beyle leeyahay oo ah intii Farmajo uu ka tagay 6 bilood mushaarkooda?.

Waxaa kaloo weli taagn khalad weyn oo ay ka gashay dowladdii Farmajo shaqalaha iyo xildhibaanada waqtigaas maadaama mushaaraadka la joojiyey 8 bilood ka hor,  markii doorashada dhamaatayna la soo wada shubay shaqaalaha iyo xubinihii barlamaanka wixii ka maqnaa Beyle waxaa uu  ilaa iyo hadda ka siiyey hal bil oo keliya, inta kale jeeababka NN iyo Beyle ayey ku maqan tahay waana in lala xisaabtamaa.

Waxaa kaloo yaab leh in Beyle uu barlamaanka u gudbiyey in ku talagalkii miisaaniyadda ee 2021 oo ahayd $670 malyan oo ay ka soo xarootay $307 malyan taasoo ku tusineysa inuu jiro idhin miisaanaiyadeed oo weyn, kaas oo ka badan boqolkii 50 haddana uu sheeganayo guul iyo horumar la gaaray.

Hadda waxaa uu sheegay Beyle in lacagi ku jirtay qasnadda dowladda, markii uu xilka la wareegay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, hasa yeeshee ma sheegin tirada lacagtaas, waayo hal dollar ama shlin waa lacag, marka muxuu u sheegi waayey intaas ayaa ku jirtay khasanadda si loo ogaado.

Beyle oo mar waliba ka dhuuman jiray xisaabxerka miisaaniyadda ayaa hadda waxaa uu sheegayaa inay lacagi ku jirto khasnadda dowladda, taaso oo ah lacagihii mushaarka shaqaalaha, laakiin ma sheegin in runtu tahay in aanay wax lacag ahi ku jirin khasanadda oo ay lacagtaas tahay lacag laga sugayo hay’adaha caalamiga ah, lana waayi karo.

Dad badan oo xaqiiq og ayaa is weydiinaya ujeeddada Beyle waa maxay? Beyle waxaa uu rabaa inuu culeys u abuuro wasirka maaliyadeed oo ka dambeeya kaas oo uu hadda uga tagayo farriin beenaad ah in mushaarka shaqaalaha iyo ciidamada uu yaallo 6 bilood, haddii la waayana ay tahay khalad uu wasiirka cusub iyo dowladdaan ay sameysay,si uu isaga u noqdo qof nadiif ah. Beyle isaga ayuu ahaa wasiirkii lahaa sagxadda ayaanu naallaa haddaan wax kale noo iman? waa yaabe ma roob lacageed ayaa cirka ka soo da’ay oo uu Beyle og yahay, dadka kalana aysan ogeyn?

Maxa ka run ah hadalkaan “Dowladdii hore waxay ka tagtay inay suurta-gal tahay in lixda billood ee soo socda in mushaharka la bixin doono. Wixii aan ku tala-galnya weeyi koley kaalmo waa u baahanahay,” oo uu yiri wasiir Beyle iyadoo aysan cidi la xisaabtamin.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay hadallo aan is qabaneyn oo  ku caddeeyeyiInay go’day 18 billood ka hor lacagta kabka miisaaniyada ee dowladda la siin jiray, taasi oo la filayo in dib loo fasaxo marka xukuumadda cusub la dhiso, maadama ay qabsoomtay doorashadii madaxweynaha.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay wax waliba istaagaayaan haddaan golaha shacbiga aan la horgeyn miisaaniyadda dalka 17 Juun 2022. Tolow aaway kuwii hore. Wasiir Beule waxa u uku caan baxay Beyle Beenaale oo shacbka weligii run uga shegin miisaaniyadda iyo maaliayadda dalka, waxaanu mar waliba oo safar aadayo sii qaadan jiray $50,000 weligiisna sooma celin xisaabteeda.

Isku soo duub dowladda Cusub ee xilka la wareegi doonto waa inay si fiican u hubiyaan dhamaan arrimaha maaliyadda oo uu mugdi badan ku jiray muddadii uu Beyle maamulayey. Waa in la helaa sababta loo xeri waayay misaaniyadaha sannadihii kala dambeeyey? Xagee ayuu isdhinka misaaniyadeed ka jiraa? Sidoo kale maxaa ka run ah amaanta beenta ah oo ay NN bilaabeen inuu Farmajo iyo Beyle a tageen 6 bilood mushaarkooda? Taas oo aan ahayn lacagta ka maqan hadda shaqaalaha oo la xeray doorashada ka hor.