Baydhabo oo lagu qabtay gaari ay saaran yihiin walxaha qarxa

Reading Time: < 1 minute

Wararka na soo gaarayo  Magaaladda Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegya in ciidanka amaanka ee maamulkaas ay gacanta ku dhigeen gaari ay sarnayeen walaxaha qarxa.Wasiirka Aminga Xasan Maxamed Xuseen(Eelaay) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaariga lagu qabtay mid kamid ah kontoroolada magaalada.

Gaarigan ayaa lala damacsanaa in  lagu dhibaateeyo shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo. Bil ka hor ayaa ay ahayda markii gaari lagu qarxiyay bartamaha magalaada Baydhabo kaas oo ay ku dhinteen dad badan.