Baydhabo “Guri kastaa iyo wada kastaa Itoobiyaan baa caawa taagan, waxaan nahay la haystaal, war miyaanan Soomaali ahayn”

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya caawa magalaada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidan dheeraad ah saacad ka kor lagu soo daadiyay dhamaan qaybaha kala duwan ee magaalada Baydhabo. Waxaa shalay lagu soo daadgureeyay magaalada ciidan badan caawana waxa la keenay ciidan dheeraad ah oo lagu caburinayo shacabka reer Baydhabo.

Mid ka mida dadka ku dhaqan magaalada oo qadka  taleefanka ee magaalada Baydhano kula hadlay wariyaha MOL ayaa ka hadlay sida ka baxsan bani’aadminimada ee loola dhaqmaya shacabka degan Baydhobo. Qofkaan oo aan qarinay magaciisa sababo la xiriira Amnigiisa ayaa yiri “Guri kastaa iyo wado kastaa Itoobiyaan baa caawa taagan, waxaan nahay la haystaal, war miyaanan Soomaali ahayn”. Isaga oo hadalkiisa sii wato waxa uu yiri “ sadax maalin oo isku xigtaa guryaha kama  soo bixin, shaqo ma anaan aadin waxa aan cuno ma haysono dibadana uma raadsan karno”.

Ciidanka Itoobiyaanka  oo taankiyo ku hubaysan ayaa caawa tagan wada kastaa ee ku taal magaalada, ciidankaan farah badan leh ee lagu soo harqiyay magaalada ayaa ujeedadoodu tahay in lagu qasbo shacabka reer Koonfur Galbeed in ay aqbalaan musharxa uu wato MW Farmaajo.