Bayaan kasoo baxay Culumada Puntland!!

Reading Time: < 1 minute

Bayaan ka kooban sagaal qodob oo ka soo baxay Culimada Ictisaam ee magaalada Garoowe, ayaa ku baaqay in la iska’ ilaaliyo bixinta iyo qaadashada laaluushka ee doorashada Puntland,si looga baaqsado dayac mas’uuliyadeed iyo ciqaab Rabbaani ah.

Culimada ayaa Baarlamanka cusub ee dowladda Puntland ka codsaday, in ay doortan madax ku habboon matelidda bulshada, islamarkaana ay tix-geliyaan xilka ay u dhaarteen iyo xisaabta Alle ee sugaysa.

Dhinaca kale, murashixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland oo gaaraya ilaa 30 murashax ayay culimadu ugu baaqeen, in ay isu’ tanaasulan,si loo yareeyo culayka badan ee ka jira doorashada.

Bayaanka oo xalay soo baxay ayaa waxaa ku saxiixan 12 kamid ah culimada Ictisaam oo uu u horreeyo Sheikh Daahir Aw-Cabdi.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!