Bashir Goobe oo u jawaabay taliyaha ciidanka Badda

Reading Time: < 1 minute

Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac oo hadda ah Wasiiru dowlaha Howlaha Guud ayaa ka jawaabay eedeyn ka timid Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Jen. C/xamiid Maxamed Dirir oo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyay inuu boob ku dhisanayo xaruntii ciidamada Badda Soomaaliyeed.

Isagoo jooga magaalada Baydhaba ayuu warbaahinta la hadlay, wuxuuna sheegay in dhulka uu sheegay Taliyaha ciidamada Badda aanu noqon karin xarun ciidamada badda ah, isla markaana uu kasii danbeeyo Dhul Amar madaxweyne Farmaajo lagu siiyey Jeneraallo dalka usoo shaqeeyay oo uu isagu ka mid yahay, halkaasina uu degan yahay.

“Ogaanshaheyga dhulkaasi ma ahayn dhul ciidan, markii hore waxay ka tirsaneyd dekadii hore, waa dhul naga danbeeya oo yar, waana xeeb Bad ah, dhulka rasmiga ah wuxuu ku dhammaadaa Guriga aan anigu deganahay” ayuu yiri Bashiir Goobbe oo aan sheegin dhismaha socda waxa uu yahay.

Jeneraal Bashiir Goobe ayaa sidoo kale beeniyay inuu Farmaajo ka danbeeyo warka kasoo yeeray Taliyaha ciidamada Badda, isgoo ku dooday inay wada shaqeeyaan madaxda sar ee dalka, wax dhibaato ahna aanay dhex oolin.

Wuxuu wax lagu xumaado oo aad looga argagaxo ku tilmaamay in sarkaal ciidan uu warbaahinta ka eedeeyo Madaxda Qaranka, isla markaana aysan anshax ciidan ahayn waxa uu ku dhaqaaqay Taliye C/xamiid.

Ma cadda sababta keentay inuu warbaahinta ka hadlo Bashiir Goobe oo sheegtay inuu yahay sarkaalka u sareeya ciidamada dowladda, waxaase muquata inuu si gaara ugu dhow yahay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.