Sida ay shegayaan Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Magaaladda Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose in Qaraxan uu ka dhacay Garoon lagu Ciyaaro kubada Cagta oo ku yaala Magaaladda Baraawe.
Garoonka Qaraxa uu ka dhacay aya lagu ciyarayay galabta Tartan heerkisu uu marayay Afar Dhamaad aya waxa garonkasi ku ciyaarayay labo naadi oo ka dhisan gudaha Magaladda Baraawe.
Gudoomiye Xuseen Jeex oo Gudomiyaha Magalada Barawe ayaa sheegay in qaraxa uu ku aasnaa garoonka geeskiisa islamarkaana uu dhacay xili ay ciyaarta socotay.
Waxa uu shegay in 6-ruux oo shacab ahaa ay ku dhinteyn, tiro kale oo ka mid aha taageerayaashii garoonka usoo daawasho tagay ay ku dhawacmeyn.
Qaraxan aya ah mid ku cusub Maqalkisa dhagaha Shacabka Soomaaliyeed maadama la beegsaday Garoon lagu ciyarayay Kubada Cagta oo ay ku sugnayen Dawadayaal Badan oo koxahasi kala tagersana.