Barakacayaashii loo soo bixiyay banaanbaxa oo kooxda Farmaajo lacagtii kala goosatay (Daawo Video)

Reading Time: < 1 minute

Kooxda u sameeysa borobogandada Madaxweyne Farmaajo ayaa caado ka dhigtay in ay dadka qaxootiga ah lacag ku soo bixiyaan si looga dhigo in shacabka Soomaaliyeed jecel yihiin Farmaajo.  Banaanbixii ugu danbeeyay ee la qabtay asbuucaan ayaa waxa laga soo saaray xarumihii ay ku dhibaataysnaayeen dad barakacayaal  ah oo loo balan qaaday in lacag la siindoono.

Dadkaaan masaakiinta ah oo baahi u qabo kaalmo ayaa waxaa kooxda Farmaajo ay u balan qaadeen lacag hadii ay ka soo qayb-galaan banaanbaxa. Waxa loo sameeyay shaqsiyaad iyaga xiriiriya lacagahana u qaybiya.

Dadkaan oo dibada loo soo saaray  iyada oo ay ka muuqato darxumo ayaa waxa ay sheegeen in  aan wax lacag ah la siinin oo lacagtii lagala baxsaday. Sida aad ku arkaysaan Video hoos yaala waxaa kaaga muuqanaya arxan la’aanta kooxda Farmaajo oo aan lahayn qalbi aan nixin caadana ka dhigtay been abuur saacado socda oo inta badan meel cidla ah ku dhamaada

Halkaan ka Daawo Video