Barakac ka socda qaybo kamida magalaada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Farmaajo oo ku goodinaya in uu dagaal rogaala celis ah uu ku qaadi doono Mucaaradka hubeysan ee ka soo horjeeda hogaankiisa ayaa abuuray in qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho waxaa ka billowday barakac xoogan oo ay sameynayaan dadka deegaanka, kuwaas oo ka cabsi qaba inay waxyeelo kasoo gaarto dadaallada kasoo cusuboonaday gudaha caasimada.

Sida ay sheegtaan dad goodjoogayaal ah, shacabka ku dhaqan degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Waabari ee gobolka Banaadir ayaa xalay iyo saaka billaabay inay isaga hayaamaan guryahooda, kadib markii ciidamada taabacsan mucaaradka ay aag ka sameysteen xaafadda Siigaale ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa iyadana jira in laga qaxayo Xaafadaha ay ka mid yihiin; Taleex, Siigaale, Shanta Geed iyo xaafadaha ku dhow isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Dadka deegaanka ayaa billaabay inay u gaaraan xaafadaha kale ee ka caagan dhaq-dhaqaaqyada, sida degmooyinka Wadajir, Dharkenley, Kaxda iyo duleedka caasimada. Inkastoo ay wada-hadallo socdaan ayaa haddane waxaa jira abaabul xoogan oo ay wadaan labada dhinac, kuwaas oo haatan isku bira tumanayo.