Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxa ka bilowday barakac ay sameynayan shacabka ku nool, kadib markii Ciidanka Kenya Gaadiidkooda dagaalka ay la soo galeen gudaha Magaaladaasi.
Shalay iyo maalinkii ka horeysay ayaa shacabka waxa ay dhigeen Banaanbax ay kaga soo horjeedaan falkan, Banaanbaxyada ayaa waxaa xigay Barakac ay sameynayaan shacabka halkaasi ku nool.
Dadka ayaa ka baqdin qaba dhismaha Darbiga Kenya ay ka bilowday xuduuda u dhaxeysa labada dal gaar ahaan inta u dhaxeysa magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera, waxayna shacabka ka walaac ka muujinayaan in darbigan uu saameeyo guryahooda.
Saraakiisha Ciidanka Militariga Soomaaliya aya sheegay shacabka in ay sameynayaan Barakac, balse iyagu ay wadaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa.
Korneel Rufle oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Millitariga ayaa sheegay in gaadiidka dagaalka Kenya ay gudaha u soo galeen magaalada, Barakacana uu bilowday kadib markii uu guul dareystay wada hadal labada dhinac u dhaxeeyay.