Baraawe oo Hoobiyayaal Lagu Garaacay Dhimasho iyo Dhawac ayaa jira.

Reading Time: < 1 minute

Madaafiic ayaa waxaa Maanta lagu garaacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada ee degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasnoo ay ka socoto doorashada Golaha Shacabka, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Madaafiicda ayaa ku dhacday goobo ay ku sugnaayeen dad Shacab ah, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday hal Ruux halka Saddex Ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.

Wararka laga helayo degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa  sheegay in khalqal Amni si weyn looga dareemay degmada Baraawe, isla markaana ay saameyn ku yeesheen hoobiyeyaasha.

Xaaladda degmada Baraawe ayaa gashay muddo saacado ah jawi kale xilli halkaasi Maanta ay ka socoto doorashada 7 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.