Waxaa maanta ka socda magaalada Muqdisho bannaanbax ay soo abaabushay dowladda Soomaliya, kaasoo looga horjeedo Alshabaab, laguna taageerayo dagaalka ka socda Gobollada dalka.
Bannaanbaxa oo qasab looga dhgay shaqaalaha Dowladda iyo shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ka dhacaya Garoonk Stadio Banaadir ee Eng. Yariisow, iyadoo la xiray isu socodka dadka iyo gaadiidka caasimadda, lana xoojiyey Amniga.
Shaqaalaha dowladda ee wasaaradaha kala duwan ayaa la arkayayey, iyagoo isugu tegay xarumahooda, kadibna u dhaqaaqaya Garoonka Eng. Yariisow, balse waxay sameeyeen arrin la yaab leh, markii ay intooda badana xirteen weji-xirka (Face-mark) si aan loo aqoonsan.
Weji-xirka oo la qaadan jiray xilligii uu aad uu socday cudurka Covid-19 ayaa si weyn looga dareemay inay dadka ugu badan sitaan bannaanbaxa looga horjedo Alshabaab, waxaana ay arrintan hadal-heyn ka biloka dhaliay Garbaraha bulshada
Bannaanbax oo saaka la filayay inuu bilowdo ayaa dib ugu dhacay ilaa galabta xilli danbe ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaare ku xigeenka, wasiiro iyo mas’uuliyiin kale.