Guddiga qabanqaabada xuska Maalmaha Xoriyadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa diyaariyey in bannaanbax lagu xuso munaasabadda 1-da Luulyo oo ka dhaceysa Garoonka weyn ee Stadio Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa ugu baaqay dadka Muqdisho inay ka qeyb galaan bannaanbaxa ka dhacaya Muqdisho Stadium oo uu sheegay inuu khudbad ka jeedin doono Madaxweynaha Soomaaliya.
Xuska Maalmaha xoriyadda ayey dowladda Soomaaliya sanad kasta ku bixisaa kharash badan, iyadoo xaalad amni la geliyo caasimadda, lana xiro dhaqdhaqaaqa dadka, Miisaaniyadda dowladana in ka badan 70% ay tahay kaalmo dibadeed.
Dabbaaldegga maanta lagu xusayo sanadguurada 63-aadee ka dhaceysa Garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho ayey dowladu sheegtay in Madaxweynaha uu kula dabbaaldegi doono Kumaan ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed, kana jeedin doono Khudbad dhinacyo badan taabanaysa.
Waa markii ugu horeysay sanadahan oo Stadio Muqdisho sameeyo song xuska 1-da Luulyo, iyadoo markii hooray song qaban jiray Garoonka Ex. Banadir ee Eng. Yariisow
Shaqaalaha dowladda aya lagu amray inay ka qeyb galaan munaasabadda 1-da Luulyo, sidoo kale dadka Muqdisho ayaa loogu baaqay inay iska xaadiriyaan Garoonka Stadium Muqdisho