Bannaanbax looga soo horjeeday heshiiskii Somaliland & Itoobiya oo Muqdisho ka dhacay

Reading Time: < 1 minute

Dibadbax ballaaran oo uu soo aggaasimay Maamulka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho kaas oo kasoo qeyb galeen Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka, Xoghayaha Guud iyo kumanaan ka tirsan shacabka Caasimadda, Dibadbaxaasi oo lagu diidanaa damaca Dowladda Ethiopia iyo Heshiis beenaadka ay la gashay Muuse Biixi.

Dibadbaxayaasha ayaa socod kusoo maray qeybo ka tirsan wadooyinka Caasimadda, iyagoona isugu yimid Garoonka Kubadda Cagta Eng. Yariisow Stadium, halkaasi oo ay kula hadleen; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Wasiiru Dowlaha Amniga, Xildhibaan ka tirsan BFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Madaxda ayaa shacabka ugu mahadceliyay dareenka wadani-nimo iyo sida ay shucuurtooda u cabireen iyagoona sheegay in aan marnaba la aqbali karin xad-gudub lagu soo sameeyo dhulka Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay Dowladda Ethiopia in ay ka fiirsato talaabooyinka qaldan oo ay qaadeyso.