Bangiga Magaalada Gaalkacyo Oo Ciidamo Hubeysan Ay La Wareegeen

Reading Time: < 1 minute

Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo gadoodsan in ay la wareegeen Bankiga Magaalada Gaalkacyo oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada.

Dad goobgoogayaal ah ayaa  sheegay in ciidamada ay yihiin ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan soo wajahday .

Qof ka mid ah dadka kunool Gaalkacyo ayaa  sheegay ” Walaal ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan ciidanka Puntland ayaa la wareegay Bankiga Magaalada Gaalkacyo , waxa uu ku yaalla Waqooyiga Magaalada, garan mayno sababta , xitaa waxa ay xireen waddii aadi jirtay Garoonka Gaalkacyo”

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in maanta Barqadii Ciidamaddaasi ay gudaha u galeen Bankiga, islamarkaana ay joojiyeen dhammaan shaqooyinkii socday.