Bangiga H. Afrika oo Somaliland la galay heshiis lagu-dhameystirayo-dhismaha-wadooyin

Reading Time: 2 minutes

Wefdi uu Hogaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka ee dalka la magac baxay  Somaliland Cabadirisaaq Ibraahin Maxame oo socdaal shaqo ku jooga xarunta dalka Kenya ee Nayroobi, ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta Baanka Horumarinta Afrika.

Qabanqaabada iyo abaabulkan kulankaan waxaa gacan weyn ka geeystay wasiirkii hore ee Maaliyada ee dowlada Federaalka, Cabdiraxman Beyleh, kaas oo si qaasa u daneeynayay dhameeystirka wadada Boorame.

Kulankaas ayaa waxaa looga wada hadlay isla markaana Banigaga Horumarinta Afrika iyo Somaliland ay wada go’aamiyeen dhismaha Jidka Boorama illaa Lawyacado iyo sameynta Daraasadda Jidka Hargeysa illaa Ood-wayne.

Kulanka oo uu qayb ka ahaa Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland Md. Mawliid Nuux Ibraahim, ayaalagaga wada hadlay sidii loo bilaabi lahaa dhismaha Waddada Lowyo-cado Fardaha illaa Boorama, iyo bilowga Daraasadda Wadada Hargaysa, Oodweyne illaa Burco.

Wefdiga oo muddooyinkii u danbeeyay safar shaqo ku joogay dalka Kenya ayaa waxay kulamo kala duwan la qaadanayeen masuuliyiinta ugu sarreeya Baniga Horumarinta Afrika, kaas oo Somaliland ka caawinaya dhismayaasha jidadka Boorama illaa Lawyacado iyo samaynta daraasada jidka Hargaysa ilaa Oodwayne.

Dhismayaasha jidadkan ayaa ah kuwo uu dalku baahi wayn u qabo in la dhiso, sababta oo ah waxa ay muhiim u yihiin isku xidhka gobolada dalka iyo sidoo kale dalalka aynu dariska nahay sida Jabuuti oo kale, kaasi oo xidhiidh dhaqaale iyo mid gacansiba uu inaga dhexeeyo.

Gabogabadii Jidka Boorama, Fardaha illaa Lawyacado ayaa ah mid ay dhammaatay daraasadii lagu hagayay jidka intiisii badnayd balse ay u hadhsan tahay in la dhiso oo kaliya, weftiga xukuumada iyo masuuliyiinta Baanka horumarinta Afrika ayaa go,aan ku gaadhay in dhismaha jidkaasi muhiimka ah la bilaabo inta sanadkan ka hadhay.